Puntland oo fahfaahisay shirka maamulada ee Garowe

Image
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale waxay difaacdey mowqifka dowlad goboleedyada ee xaalada dalka.

GAROWE, Puntland - Afhayeen Madaxweynaha Puntland, Jaamac Depraani, ayaa difaacey qoraalkii ka soo baxey madaxda maamulada Soomaalida. ee ku saabsanaa xaaladaha ka taagan dalka.

Qoralkaan ayaa ka duwan mid ay horey maamulada Puntland iyo Jubaland ku taageereen mowqifka Rooble ee ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Villa Somalia ku sugan.

Warsaxafadeedkii ugu dambeeyey ee madaxda maamulada ayaa waxaa lagu sheegey in kulan uu ka maqan yahay RW Rooble ay isugu imaan doonaan Garowe 21-23 September.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo loo qaateen ah, is-aragaas ayaa waxaa lagu waddaa in diiradda lagu saaro qabsoomida doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa hubanti la'aanta.

"War-murtiyeedka Dowladda Puntland ay wax kasoo saartay caawa, kama turjumayo sida dad badan oo adeegsanaya baraha Bulshada ay u marin habaabinayaan," ayuu yiri Dabraani.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Hoggaaminta Doorashada iyo amniga dalka waxaa leh Ra’iisal Wasaaraha XFS, sida ku cad  Dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray".

"Shirka 21-23 September 2021, loogu ballansanyahay Garoowe wuxuu gogol xaar u yahay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu dardargelinayo dhameystirka Doorashada," ayuu kusoo xiray.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu horey u soo saarey ku baabi’iyey awoodihii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble wallow uu diidey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM