Puntland oo gaadiid kala wareegtay hay'adda Save the Children

Image
Image
Image
Waxaa gaarigan loogu talogalay gudbinta bukaanada u baahan in ay daryeel caafimaadka oo degdeg ah.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntalnd ayaa maanta gaariga gurmadka caafimaadka (Ambalaas) kala wareegtay  hay'adda Save the Children International (SCI).

Munaasabada wareejinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Garowe waxaana ka soo qaybgalay Cadirisaaq Abshir Xirsi Kusimaha Agaasimaha guud ahna agaasime waaxeedka  Caafimaadka Aasaasiga ah iyo Dr Cali Diiiriye Agaasime waaxeedka Caafimaadka guud(Public Health).

Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay Jaamac Maxamed Dacar, madaxa Barnaamijyada Caafimaadka ee SCI Puntland  iyo Jama Maxamed Guuleed oo ah mamulaha xafiiska Save the Children ee Gaalkacyo.

Waxaa Gaarigan Ambalaaska ah loogu talogalay gudbinta bukaanada u baahan in ay daryeel caafimaadka oo degdeg ah ka helaan Cisbitaalka Gaalkacyo iyo Xarumaha kaleba, si gaar ah wuxu ugu adeegi doona Hooyooyinka iyo Caruurta u baahan adeega caafimaadka deg-dega ah ee ku nool tuulooyinka iyo goobaha barakacayaasha oo dhan ee ku yaala gudaha  degmada Gaalkacyo.

Waxaa ugu horeyn gaariga lagu wareejiyey Wasaarada caafimaadka oo ka dibna ku sii wareejisay Isuduwaha caafimaadka ee gobolka Mudug Dr Cabdinaasir sheekh ibrahim, Gaarigan Ambalaaska ee maanta lagu wareejiyey degmada Gaalkacyo waxaa laga soo gaday mashruuca ay wado hayada Save the Children ee FFO- Humanitarian Nexus   oo ay Maalgelisay dowlada jarmalka (German Federal Foreign Office) kaas oo taageera 11 xarun caafimaad oo ku yaal degmooyinka Gaalkacyo, Galdogob iyo Jariiban ee Gobolka Mudug.

Wasaarada caafimaad ayaa ugu mahadcelisay haayada save the children kaalinta ay ka qaateen kor u qaadista daryeelka caafimaadka, xakamaynta cudurafa faafa iyo ka hortaga waxyaabaha keena dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

Madaxda hay'adda save the children ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaalka wasaarada caafimaadku ay ugu jirto tayeynta adeegyada caafimaad iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin dhamaan bahwadaagta caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM