Puntland oo gaadiid kala wareegtay hay'adda Save the Children

Image
Image
Image
Waxaa gaarigan loogu talogalay gudbinta bukaanada u baahan in ay daryeel caafimaadka oo degdeg ah.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntalnd ayaa maanta gaariga gurmadka caafimaadka (Ambalaas) kala wareegtay  hay'adda Save the Children International (SCI).

Munaasabada wareejinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Garowe waxaana ka soo qaybgalay Cadirisaaq Abshir Xirsi Kusimaha Agaasimaha guud ahna agaasime waaxeedka  Caafimaadka Aasaasiga ah iyo Dr Cali Diiiriye Agaasime waaxeedka Caafimaadka guud(Public Health).

Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay Jaamac Maxamed Dacar, madaxa Barnaamijyada Caafimaadka ee SCI Puntland  iyo Jama Maxamed Guuleed oo ah mamulaha xafiiska Save the Children ee Gaalkacyo.

Waxaa Gaarigan Ambalaaska ah loogu talogalay gudbinta bukaanada u baahan in ay daryeel caafimaadka oo degdeg ah ka helaan Cisbitaalka Gaalkacyo iyo Xarumaha kaleba, si gaar ah wuxu ugu adeegi doona Hooyooyinka iyo Caruurta u baahan adeega caafimaadka deg-dega ah ee ku nool tuulooyinka iyo goobaha barakacayaasha oo dhan ee ku yaala gudaha  degmada Gaalkacyo.

Waxaa ugu horeyn gaariga lagu wareejiyey Wasaarada caafimaadka oo ka dibna ku sii wareejisay Isuduwaha caafimaadka ee gobolka Mudug Dr Cabdinaasir sheekh ibrahim, Gaarigan Ambalaaska ee maanta lagu wareejiyey degmada Gaalkacyo waxaa laga soo gaday mashruuca ay wado hayada Save the Children ee FFO- Humanitarian Nexus   oo ay Maalgelisay dowlada jarmalka (German Federal Foreign Office) kaas oo taageera 11 xarun caafimaad oo ku yaal degmooyinka Gaalkacyo, Galdogob iyo Jariiban ee Gobolka Mudug.

Wasaarada caafimaad ayaa ugu mahadcelisay haayada save the children kaalinta ay ka qaateen kor u qaadista daryeelka caafimaadka, xakamaynta cudurafa faafa iyo ka hortaga waxyaabaha keena dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

Madaxda hay'adda save the children ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaalka wasaarada caafimaadku ay ugu jirto tayeynta adeegyada caafimaad iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin dhamaan bahwadaagta caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM