Puntland oo go'aano kasoo saartay ku darsiga Farmaajo

Image

GAROWE, Puntland - Dowlada Puntland ayaa si adag waxay u diidey go'aanka halka dhinac ee Golaha Shacabka uu 12-kii bishan April uu laba sano muddo kororsi ugu sameeyay taliska Farmaajo.

War-saxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xusay in maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya uu xalka u arko heshiiska 17-kii September "iyadoo caqabadaha la xalinayo".

Sida ku xusan bayaankan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe, Puntland waxay aaminsan tahay in sharci daro tahay ku darsiga ayna sameeyeen qeyb kamid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Doodan ayaa salka ku haysa in mudaneyaasha ay tiradoodu ahayd 57, halka guddoonka Golaha Shacabka ku sheegay 149. Tani waxay la macno tahay in kooramka uusan dhameyn.

Saxiixayaasha heshiiska iyo beesha caalamka ayay cod dheer ugu tartarsiisay in ay si weyn uga shaqeeyaan qaabkii sida ugu dhaqsiyaha badan dib la isugu soo laaban lahaa miiska wadaxaajoodka.

"Haddii ay dhici waydo in dib la isugu soo laabto miiska wadahadalka, Dowlada Puntland iyaddoo ka duuleysa go'aanaddii shirweynaha Puntland ee 17 Maarso, 2020, waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba la wadaagi doontaa talaabada ku haboon oo ay qaadi karto," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Ugu dambeyntii, Puntland oo adkeysay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dowladnimadda Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqdey in ay soo dhaweyneyso cid kasta oo xal u heli karta xaalka cakiran.

Hoos ka akhriso qoraalka Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM