Puntland oo go'aan kasoo saartay Imtixaanka shahaadiga ah

Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah waxay go'aano kasoo saartay imtixaanaadka shahaadiga ah iyo arrimo kale.

Bayaan ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay imtixaanaadka naqliga ah ee fasalada 1aad illaa iyo 7aad ee dugsiyadda hoose/dhexe iyo fasalada 1aad illaa iyo 3aad ee sarre.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 12aad loo muddeeyay 30-ka bisha May, 2020, "haddii duruufto saamaxdo".

Fayruska safmareenka ah ee saameeyay dhinacyo badan oo nolosha bini'daamka ah ayaa laga cabsi qabaa in uu baajiyo imtixaanka, maadaama la mamnuucay isu imaatinka.

Wallow degaanada Puntland aan wali laga helin kiisas la xiriira Covid-19, haddana dadyow kala duwan oo laga baarey ayaa natiijada kasoo baxdey ay noqotay in laga waayey.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa shaaca ka dhigtay in ay sugeyso natiijada laba qof oo todobaadkan loo karantiilay caabuqa isla markaana dheecaanada laga qaadey.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in la gelayo Imtixaanaadka, balse waxay joojisay casharadii guud ahaan goobaha waxbarashadda dalka.

Hoos ka akhriso qodobada kale ee ku jira qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM