Puntland oo hadal ka soo saartey dagaalka Tukaraq

Image

GAROWE- Puntland ayaa war kasoo saartey dagaal saaka agagaarka Tuulada Tukaraq ku dhexmarey ciidamada Puntland iyo Somaliland kasoo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in ciidamada Somaliland weerarka ku soo qaadeen Puntland saaka aroortii 5:30 am ciidmadeeda ku sugan aaga Tukaraq.

Maamulka Puntland ayaa sheegey in mas’uuliyada dagaalkaan iyo khadaaraha ka yimaada dusha u ridaneyso maamulka Somaliland.

Puntland ayaa ugu baaqdey shacabkeeda iney is-garab taagaan ciidamadooda difaaca ku jira.

Qoraalkaan kasoo baxay maamulka Puntland ayaan lagu sheegin khasaraaha ciidmada kasoo gaarey dagaalkaan la sheegey in maamulka Somaliland soo qaadey.

Maaqmulada Puntland iyo Somaliland ayaa saaka markale dagaal ku dhexmarey degaanka ku dhow Tuulada Tukaraq iyadoo la sheegayo in dhaawac iyo dhimasho uu sababey.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM