Xukuumadda Soomaaliya oo hal milyan oo Doolar gaarsiisay Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa xaqiijiyey in ay gudoomeen aduun lacageed dhan hal milyan oo Doolar oo ka timid xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr Xasan oo u waramay warbaahinta ayaa daboolka ka qaadey in lacagtaas oo lagu shubay akoonka dowladda loogu talagalay siddii loogu gargaari lahaa shacabka ku ceeyroobay daadadkii Qardho.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaas lagu wareejin doono mid kamid ah akoonadda laga furay Bangiyadda gaarka loo leeyahay ee loo sameeyay gurmadka xarunta Karkaar.

"Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda federaalka lacagtaas ay nasoo gaarsiisay, in ka badan waan fileynaa in ay nasoo gaarsiin doonto," ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka Maaliyadda Puntland.

Dhanka kale, qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga faaloodey lacagta loogu gurmanayo magaalada taariikhiga ah ee Qardho.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) oo loogu talo galay gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka magaalada taariikhiga ah ee Qardho," ayaa lagu yiri.

Roobab mahiigaan ah oo todobaadkan ku da'ay Qardho ayaa sababay daadad kusoo rogmaday xarunta gobolka Karkaar, waxaana ka dhashay dhimashada lix qof iyo burbur maaliyadeed oo wali la tirakoobin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM