Puntland oo ciidamada heegan u gelisay dabaaldega 1-da August

Image

GAROWE, Puntland – Si looga hortago falal liddi ku ah ammaanka, ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa waxaa la geliyay heegan sarre.

Mas’uuuliyiinta hay’addaha nabad-gelyada ayaa shaaca ka qaaday in la xakeeyay isu socodka gaadiidka ee magaalooyinka kala duwan ee Puntland.

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sidda ayaa waxay ku booriyeen dadweynaha in ay qayb ka qaatan sugitaanka xasiloonida.

Wasiirka Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa wuxuu faray xoogaga dowladda in ay "gacan naxariis leh u fidiyaan shacabka".

"Cadow qarsoon iyo mid muuqda baa jira, sida lagu yaqiinay shacabka Puntland, waa in ay nagu soo wargeliyaan waxay ka shakiyaan," ayuu yiri.

Gallan oo rajeeyay in munaasabadda ay ku qabsoonto jawi nabdoon ayaa xusay in la sameynayo alaad saleysa wada shaqeynta ciidamada iyo shacabka.

"Lamber baa la sameyn doonaa oo ay shacabka kusoo gudbin doonan waxay ka shakiyaan, ciidamadana waa in ay gacan naxariis ah ay fidiyaan," ayuu raaciyey.

Munaasabadda 1-da August oo ay kasoo qeybgeli doonan madax kala duwan ayaa la filayaa in laga xuso guud ahaan degaanadda kala duwan ee Puntland.

Puntland, maamulka ugu da’da weyn dowlad goboleedyadda ka jira Soomaaliya, ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1998-dii, gaar ahaan1-da August.

Dabaaldegan oo sanad kasta la agaasimo ayaa waxaa markii ugu horeysay la qabtay 1999-kii, waqtigaasi oo si heer sarre ah loo maamuusay.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM