​Puntland oo ka hadashay hishiis la sheegay inay la gashay Galmudug [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland, ayaa ka hadashay warar sheegayay inuu jiro hishiis hoose oo dhexmaray dhinacayada Puntland iyo Galmudug kasoo ku saabsan xaaladda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame, oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay in hishiiskaasi uusan jirin islamarkana yahay mid lagasoo dhoob dhoobay magaalada Muqdishu iyo dhinaca Galmudug.

Wuxuu xusay inuusan jirin wax waan waan ah oo kasocota magaalada Galkacyo kaasoo ku aadan sidii colaadda gobolka Mudug lagu damin lahaa.

Cali Cabdillaahi, ayaa sidoo kale shaaca ka qaadya inuu jiro wada-hadal dhanka Taleefoonka ah oo dhexmaray iyaga iyo wasiirro katirsan Galmudug, wuxuuna sheegay inay u cadeeyeen mowqifkooda iyo xalka lagu gaari karo nabad ka hirgasha gobolka.

"Xiriir baa jiray nala soo sameeyeen qolo wasiirro ah oo dhinaca Galmudug ka jiray, xiriirkaasi Taleefoon buu ahaa, waxaanu u sheegnay mowqifka aan taaganahay iyo sidaan u aragno in nabad lagu gaari karo, wayna iska laabteen, wax jawaab ah oo ay nagusoo celiyeenna ma jirto,"Sidaas waxaa Radio Garowe u sheegay Cali Cabdullaahi Warsame.

Wuxuu intaasi ku daray in magaalada Galkacyo xaaladeedu dagantahay islamarkaana si wanaagsan u socoto dhismaha Siiladda laga dhisayo Galbeedka magaalada, isagoo intaasi ku daray in nolosha tahay mid caadi ah oo ay shaqeynayaa suuqyada iyo goobaha ganacsiga oo dhan.

Barkaca shacabka, ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay inaysan ahayn sida loo buun-buuniyay, isagoo tilmaamay inay qorshaha magaalada kasocda yahay mid heer dowladeed ah, sidaas darteed dhismahan uu yahay mid dadka Somaliyeed dani ugu jirto.

Wuxuu meesha ka saaray inay duulaan wadaan isagoo taa badalkeeda xusay inay difaacayaan dhulka iyo shacabka Puntland islamarkaana diyaar u yihiin nabad ka aslaaxda gobolka Mudug.

Hadalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii warsidaha Garowe online shaaciyey inuu jiro hehsiis sadex geesood ah oo dhinaca taleefanka ah ku dhexmarey madaxda maamulada Puntland, Galmudug iyo Madaxda dowlada Federaalka waqtigu ka dhamaadey. Halkaan ka akhri 

Dhinaca kale hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in madaxda xukuumada ee ku sugan Galkacayo iyo saraakiisha diideen hehsiiska Madaxweyne Gaas la galey madaxda maamulka Galmudug Cabdikarim Guleed.

Magaalada Galkacayo ayaa waxaa isku horfadhiya ciidamo xoogan oo ka kala tirsan labada maamul kuwasoo sababey in isku dhacyo dhexmarey dad badan ka barakaceen xatunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM