Puntland oo ka hadashay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Bardaale

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu ka hadlay shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay magaalada Bardaale, gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hadal-jeedintiisa Maalinta la hadalka dadweynaha oo uu jeediyey isagoo ku sugan degmadda Qardho ayuu kusoo hadal-qaaday musiibadaas galaaftay lix ruux oo la socotay duulimaadka.

Deni ayaa tacsi u diray ehelka dadka ku geeriyooday shilkaas oo ay ku jiraan laba Soomaali ah, iyaddoo inta kale la sheegay in ay ajaaniib yihiin.

Shirkadda iska leh diyaaradda ee African Express ayuu u rajeeyay in ay bedel wanaagsan ka hesho khasaaraha maaliyadeed ee soo gaarey.

"Baaritaankeeda ka hor-dhici maayo, dowladda Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa sababaha ay u dhacday, waxaan uga tacsiyeynayaa khasaaraha ku dhacay degaanadaas," ayuu hadalkiisa ku daray Deni.

Duulimaadka oo lasoo wariyey in uu ka baxay magaaladda Muqdisho kuna hakaday Baydhabo ayaa wuxuu sidday shixnad gargaar caafimaad ah.

Warbaahinta Kenya ayaa ku warantay in diyaaradda ay soo dhacday markii gantaal ay "si aan ola kac ahayn" ugu dhufteen ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh nawaaxiga madaarka diyaaradaha magaalada.

Ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalkada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo aan wali ka jawaabin eedeyntaas ayaa mas'uul ka ah ammaanka Bardaale, halkaas oo ay ku wehliyaan ciidamo Soomaali ah.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM