Puntland oo ka qayb gashay shirka hormarinta biyaha & tamarta

Image

Talaado, September 2, 2014 [GO] Dowladda Sweden ayaa Puntland ku marti qaaday shirka todobaadka biyaha aduunka oo ka furmay magalada Stockholm.

Wasiirka Deegaanka iyo daaqa Guuleed Saalax Barre oo matalaya Puntland ayaa shirka ka qayb galay , waraysi uu siiyay Radio Garowe ayuu ku sheegay inay kusoo bandhigeen baahiyaha ka haysta biyaha iyo tamarka iyo sidii looga caawin lahaa.

In ka bada labo kun oo qof oo caalamka ka kala yimi ayaa shirkan kasoo qayb galay waxayna koox kasta kusoo bandhigtay sida looga gudbi karo caqabadda dhanka biyaha ka haysta.

''Annaga waxan soo bandhignay oo hordhignay madaxd badan oo aan la kulmay dhibaatooyinka naga haysta biyaha iyo tamarta iyo dadaalada aan hadda ka samaynay iyo sida caalamka nooga caawin karaan arrimahaasi maadama Puntland ay qayb ka tahay Somalia inteeda kal''.

Guuleed ayaa sheegay inuu kulan gaar ah la qaatay Haweenayna Dowladda Sweden u qaabilsan kaalmada dibadda wuxuna waraysiga laga qaaday ku sheegay dowladda Sweden inay xiisaynayso sidii loo caawin lahaa Puntland.

Dhamaadka shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go'aamo wax ku ool ah oo lagu hormarinayo biyaha iyo tamarka wuxuna soo taxnaa ilaa 1991.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM