Puntland oo diidey Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya [DHEGEYSO]

Image

August 12, 2015 (GO)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa sharci darro ku tilmaamay Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyey baarlammaanka Dowladda Federaalku ka doodayeen.

Soo-Cadde oo shir-jaraa'id ku qabtey xafiiskiisa Garowe,. wuxuu sheegay in xeerkaasi yahay mid qoraalkiisa


‘’Xeerkan lagama talo galin dhamaan maamullada ka jira dalka iyo shirkadaha isgaarsiinta, xeerkani wuxuu awood aan Xad lahayn siinayaa Guddiga Isgaarsiinta ee ay magacowdey Dawladda Federaalkee, haba yaraatee wax tixgalin ah uma samaynayo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Sirkadaha Isgaarsiinta" ayuu yiri.


Maxamuud Xassan Soocade ayaa dhanka kale xusay in xeerkani horseedayo in shirkado  aJaaniib ah gacanta loo galiyo isgaarsiinta dalka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa xeerkan horay usoo ansixiyey May 16, 2015.

Qodobada xeerkaas waxaa kamid ah in Dowladda Federaalku mas'uul ka tahay furaha Soomaaliya ee 252, hirarka hawada ee idaacadaha iyo shirkadaha isgaarsiintu adeegsadaan iyo weliba in cashuur laga qaadi doona dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee ka hawlgala guud ahaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM