Puntland oo ku dhawaaqday in ay tahay "dowlad gaar ah"

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Saciid Deni uu dhowaan diidey saxiixida war-murtiyeedka shirkada wadatashiga qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu soo saaray war-murtiyeed ka kooban saddex warqad oo uu ku caddeynayo "in uu yahay dowlad gaar ah oo ka madaxbannaan dowladda federaalka Soomaaliya".

Qoraalkaan ayaa imaanaya xilli dhowaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay Deni uu diidey inuu la saxiixo war-murtiyeed dowlada Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Deni oo xalay ka hadlay munaasabad uu ugu dabaaldegay afar sano guuradiisa ayaa difaacay diidmadiisa saxiixida labadii qodob ee war-murtiyeedkii ugu dambeeyay shirka madaxda federaalka iyo maamulada.

"Wax u muuqdo qorshe la rabo in dalkan dib loogu celiyo dowlad dhexe ayaa meesha la keenay," ayuu yiri. Dhanka kale, dilalka ka dhacay Laascaanood ayuu ku sheegay "dambiyo dagaal".

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay si dhow ula socdaan xaalada xarunta gobolka Sool isla markaana ay wax ka qabtaan dadka shacabka ah ee "sidda qasabka ah loo barakicinayo".

"Gabood-falada ka dhacay Laascaanood waa dambiyo dagaal. Dacwad ayaan kusoo oogi doonaa dadkii geystay. Maamulka Hargeysa waa in uu maqlo dareenka shacabka," ayuu tibaaxay.

Hogaanka dowlada federaalka ayuu ku eedeeyay in ay doonayaan in ay meelmariyaan dastuurka ku meelgaarka ah ee dowladda federaalka "iyadda oo ay maqan tahay Somaliland".

"Waxaa la rabaa in dalka dib loogu celiyey nidaamka dowladda dhexe iyo in maamulka Somaliland loo sharciyeeyo Sool, Sanaag iyo Ceyn. Puntland marnaba ma aqbaleyso arrinkaas," ayuu ku nuux-nuux-sadey.

Xukuumadiisa ayuu ka dhawaajiyey in ay Isniinta maanta ah ay soo saari doonto mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aadan qaabka ay u wajihi doonto ama ula macaamili doonto maamulka madaxwayne Xasan Sheekh ee curdanka ah.

Eedeymahan ayaa loo fasiran karaa in uu heerkii ugu hooseeyay gaaray cilaaqaadka Xasan Sheekh iyo Saciid Deni. Madaxda federaalka ayay muhiim u tahay isku-wadka maamulada si ay ugu hirgalaan arrimo deyn cafinta u horeyso.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTYEEDKA

No photo description available.

May be an image of text

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM