Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Image

BOOSAASO – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay muddo laba sano ah isku dayeysay inay gudaha Puntland ka abaabusho kooxo hubeysan, iyadoo sheegtay in qorshahaasi qayb ka yahay dadaal lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida maamulka. Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahaasi.

War-saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in Villa Soomaaliya ay 24-kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo mataleysa saddex dal oo shisheeye oo aan magacyadooda la shaacin, ay isku dayday inay gudaha Puntland ka sameyso kooxo hubeysan si ay u fuliyaan waxa ay ku tilmaantay dano istiraatiiji ah oo la xiriira marinada muhiimka ah ee badda.

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024, markaas oo ciidamada Puntland ay la dagaallamayeen maleeshiyaad xiriir la leh kooxda Daacish, iyadoo maamulka uu sheegay in qorshahaasi uu fashilmay isla markaana uusan saameyn ku yeelan amniga Puntland.

Maamulka ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxda Dowladda Federaalka inay dhowaan shaaciyeen qorshe uu sheegay inuu khatar ku yahay jiritaanka Puntland, kaas oo la xiriira taageeridda kooxo cusub oo gudaha maamulka laga sameeyay, kuwaas oo Puntland ay ku doodday in loo adeegsanayo danaha siyaasadeed ee dowladda dhexe.

Puntland waxay intaas ku dartay in wakiillo ka socday laba ka mid ah dalalka ay ku eedeysay qorshahan ay toddobaadyadii u dambeeyay kulamo la yeesheen dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan Puntland, si loo abaabulo weerarro isku mar ah oo ka dhaca gobollada Sool, Nugaal, Mudug iyo laba goobood oo ka tirsan gobolka Bari.

Sida ay sheegtay Puntland, xogaha amniga ayaa muujinaya in mid ka mid ah dalalka lagu eedeeyay qorshahan uu toddobaadka soo socda si cad u dardargelin doono dadaalladiisa, balse maamulka ayaa sheegay inuu horey u qaaday tallaabooyin uu ku fashilinayo qorshahaas.

Dhanka kale, Puntland ayaa xaqiijisay inay gacanta ku dhigtay gaadiid ciidan iyo askar ka tirsan Ciidanka PSF, oo uu ku jiro sarkaal ka mid ahaa kolonyada, kuwaas oo hadda ku jira gacanta hay'adaha ammaanka ee maamulka.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin howlgalka, hase yeeshee tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa qiyaastii bil kaddib markii Puntland ay mamnuucday dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dagaalka iyo askarta hubeysan ee aan ku jirin howlgallo si rasmi ah loo fasaxay.

Gaadiidka la qabtay ayaa la sheegay inay lahaayeen Ciidanka Puntland Security Force (PSF), kuwaas oo madaxda Dowladda Federaalka ay dhowaan sheegeen in lagu daray Ururka 17-aad ee ciidamada ay dowladda ka qoratay gudaha Puntland. Hase yeeshee, Puntland ayaa si cad u diidday go'aankaas, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharci ahayn isla markaana aanay aqbali doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM