Puntland oo laga xusay maalinta furdooyinka Aduunka

Image
Image
Image
Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo agaasintey munaasabadan ka dhacdey Boosaaso.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirku  xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb-galay Xuska Maalinta furdooyinka Aduunka oo lagu qabtay magalada Boosaaso.

Munaasabadda ayaa  waxaa ka soo qaybgalay Qaar ka mid ah Golaha Xukuumadda, Maamulka Gobolka, kan Degmada Boosaaso, Taliska Booliiska, Agaasimaha Furdooyinka Puntland, Maamulaha Furdada Boosaaso Ganacsato iyo mas'uuliyiin kale

Hay'adda adduunka u qaabilsan  hormarinta  arrimaha Furdooyinka adduunka   waxay u asteesay sanadka 2022 sidii ay kor ugu qaadi laheyd Isbedelka Digital-ka iyadoo la adeegsanayo  lana xoojinayo isticmaalka tiknoolijayadda ee kaydinta xogta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa munaasabada ka hadlay

"Waxaa Sharaf wayn ii ah in aan maanta idinkala soo qayb galo Xuska maalinta furdooyinka adduunka oo sanadkasta loo asteeyay maantoo kale, waxaa halkaan uga mahad celinayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adaha Bah wadaagta la ah Sida Wasaaradda Dekeddaha , Wasaaradda ganacsiga iyo Ciidanka ilaaladda cashuuraha oo intuba muujiyay karti iyo dadaal sanadkii 2021.

Wasiirka ayaa  yri "Anigoo Ka faaidaysanyaa Fursadaan waxaa u macadceliyaa Dhamaan Ganacsatadda Puntland gaar ahaan Ganacsataddi sida Hagar la’aanta ah nagala shaqaysay in aan hirgalino Sales tax oo ay hada Puntland ku naaloonayso dakhligaas oo isbadal ku sameeyey isku socodka wadooyinka oo hada dhismaayaashooda gacanta lagu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM