Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Image
Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada ayaa manta si rasmi ah u daahfuray Shirka Falanqaynta iyo Ansixinta qaab-dhismeedka Mashruuca oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adda UNCDF.

Shirkaan waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeen wasaarada Qorsheynta, Wasiiru dowladaha wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud Xarunta maaraynta xogta dhulka iyo Biyaha Puntland. 

Madaxda kala duwan ee ka soo qaybgashay shirka ayaa soo dhoweeyey mashruucaan, iyagoo muujiyey muhiimada mashruuca uu u leeyahay yaraynta iyo la qabsiga saamaynta isbedelka cimilada. 

Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxamaan Faroole oo shirka daahfuray  ayaa sheegay in ‘mashruuca LOCAL uu salka ku hayo cahdiga caalimiga ee (Paris Agreement) iyo qodabadii ka soo baxay shirarkii isbedelka cimilada ee (COP) ee arimaha Isbedelka Cimilada aduunka”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ‘Mashruucaan uu awooda saarayaa xoojinta bulshda ee la qabsiga iyo udkaysiga saamaynta isbedelka Cimilada, dayactirka dhuldaaqsimeedka, awood siinta degmooyinka sidii ay qorshayaashoooda hortabinta u leh ugu darsan lahaayeen arimaha deegaanka, iyo kor u qaadista aqoonta iyo wacyiga bulshada ee arimaha deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM