Puntland oo maxkamad soo taagtey rag "qirtey" dilal iyo qaraxyo

Image
Maxkamadaynta raggaan oo weli socota ayaa la filayaa in maalmaha soo socota lasoo gabagabeeyo.

GAROWE, Puntland – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa lasoo taagay afar nin oo ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen shabakad kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, kuwaas oo magaalada Bosaso ka geysan jiray qaraxyada iyo dilalka.

Raggaan ayaa maxkamada horteeda ka qirtay dambiyada lagu eedeeyay oo ay ku jiraan, qaraxyadii Bosaso lagula eegtay kolanyo la socotay madaxweynaha Puntland oo ay ku geeriyoodeen labo askari, dilkii Suldaan Muuse Koonte oo sannadkii 2019 lagu dilay isagoo ku jira salaadii jumcaha.

Raggaan ayaa qirtay dambiyada lagu eedeeyay waxaa kamid ah qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Bosaso, sida qaraxii lagu dilay labo caaqil oo kamid ahaa ergadii doorashada ee kursiga Hop#169 iyo dhaawaca afar kale.

Maxkamadda waxay sheegtay raggaan in ay markii hore wax ku dili jireen magaca kooxda Daacish, balse markii dambe ay u wareegeen kooxda Al shabaab.

Waxay sidoo kale ku eedeysan yihiin inay kamid ahaayeen dadkii ka qeyb qaatay weerarkii xabsiga Bosaso lagu qaaday sannadki hore.

Waxay maxkamaddu shaacisay liis dad ah oo ay ku jiraan masuuliyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo madax dhaqameed u qorsheysanaa inay ku qaarijiyaan magaalada Bosaso.

Maxkamadaynta raggaan oo weli socota ayaa la filayaa in maalmaha soo socota lasoo gabagabeeyo.

Magacyada eedeysanayaasha ayaa kala ah Jaamac Aadan  Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Booos Mohange iyo Maxamed Abshir Muuse Olyo.

Dowladda Puntland ayaa ka mid ah meelaha sida muuqata loogula dagaalamay ururada Argagixisada ah sida Daacish iyo Al Shabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah buuralayda gobolka Barri ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM