Puntland oo qabatay burcad-badeed $5 milyan ku heshay afduubka markab

Image
Lama xaqiijin in lacagtii madax-furashada ahayd ee la siiyay burcad-badeedda la soo qabtay intii howlgalku socday.

GAROWE, Puntland - Burcad-badeedda Soomaaliyeed ayaa sii daayay markabka MV Abdullah kadib markii ay heleen madax furasho dhan $5 milyan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Markabka laga leeyahay Bangladesh ee watay calanka dalka Malta laguna magacaabo MV Abdullah oo ay saarnaayeen shaqaale dhan 23 qof ayaa la afduubay bartamaha bishii Maarso.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland ayaa Garowe Online u sheegay inay qabteen 8 xubnood oo ka tirsan kooxdii burcad-badeedda ee haystay markabka MV Abdullah.

Lama xaqiijin in lacagtii madax-furashada ahayd ee la siiyay burcad-badeedda la soo qabtay intii howlgalku socday. Wararka qaar ayaa xusaya in lacagta aan lagu bixin qaab cadaan ah.

"Bixinta madax furashooyinka ayaa laga yaabaa inay sii kordhiso weerarada burcad-badeedka," ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Dhacdadan ayaa imaanaysa iyadoo ay hoos u dhacayaan weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, taas oo qeyb ahaan ugu wacan tahay dadaallo ay si wadajir u sameeyaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM