Puntland oo qabatay doonyo waday kalluumeysi sharci daro ah

Image
Image
Image
Howlgal ay sameeyeen ciidamada Badda Puntland ayaa gacanta lagu soo dhigay doonyahan.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda kallluumaysiga iyo khayaraadka Badda Puntland oo kaashanaysa ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa gacanta kusoo dhigtay Dooni kalluumaysi oo si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Puntland.

Wasiirka kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Dr. Rashid M. Yusuf ayaa isaga oo dhiirigelinaya ciidanka ilaalada xeebaha iyo shaqaallaha wasaaradda waxa uu dul tegay Doonida ay ciidanku soo qabteen.

Kormeerkaan waxaa ku weheliyey wasiirka agaasimaha waaxda hormarinta kalluumaysiga Sumayo Jaamac Maxamed, Isu-duwaha wasaaradda kalluumaysiga ee gobalka Bari Axmed Cafash iyo khuburo katirsan wasaaradda.

Wasiirka ayaa la tusay Dukumiintiydda ruqsada ee Doonta oo ah mid la dhaafay xiligii sharcigu siinayey inay ku kalluumaysato taasi oo xad gudub ku ah sharciga ogolaanshaha kalluumaysiga ee xeebaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa horay u ballan qaaday in xukuumadu xooga saari doonto sidii loola dagaalami lahaa kalluumaysiga sharcidaradda ah si loo ilaaliyo khayraadka ku jira baddaheena.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM