Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Warbixintooda maalinlaha ee 4-ta May sanadka 2020 ayay ku sheegeen in bukaanada ay kamid yihiin 22 lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe.

Sidoo kale, waxay tibaaxeen in aysan jirin dhimasho iyo soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay.

Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 38 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub.

Intaas waxaa wehlisa, wadarta geerida oo wali ku taagan hal qof; dadka ka caafimaadey, illaa iyo haatan, waa hal muwaadin.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM