Puntland oo Shidaalka hodon ku ah oo dooranaysa Madaxweyne cusub

Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada cusub ee Gollaha Wakiiladda, ayaa dooranaya maanta oo Talaado ah Madaxweynaha cusub ee Puntland, oo dagaal kula jirta Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

In ka badan 20 Musharax ayaa ka qeyb-qaadanaysa doorashada, kuwaasoo uu kamid yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo 51 sano jir ah, kaasoo soo maamulay Puntland tan iyo 2014.

Gaas ayaa raadinaya in shan sano oo kale sii hogaamiyo maamulkan, isagoo khudbadiisii Gollaha Wakiiladda shalay balan qadey inuu amniga iyo maamulka maaliyadda hagaajinayo.

Puntland oo ku taalla Gacanka Cadan, kuna dhaw albaabka badda Cas ayaa noqotay Maamulkii ugu horeeyay oo laga dhiso Somalia 1998, waxaana ay ka badbaadey dagaalladii Sokeeye ee Koonfur dalka.

Waxay dagaal kula jirtaa Puntland Al-Shabaab iyo Koox xiriir la leh Daacish oo khal-khal gelinaya amniga, iyadoo Kooxahan dagaalka Koonfurta usoo weeciyay maamulkan mudada dheer xasiloonida haystay.

Cabdiweli Gaas ayaa dadka tartanka xilka doorashada kula loolamaya waxaa kamid ah Saciid Cabdullaahi Deni, Wasiirkii hore ee qorsheynta Somalia, Saciid Maxamed Xersi, Taliyihii hore ee ciidanka Puntland iyo Cali Ciise Cabdi, oo ah dhaqaalyahan bartay xisaabaadka iyo maaliyadda.

Sidoo kale, waxaa xilka Madaxweyne ku xigeenka oo isla maanta la dooran doono ku tartamaya 11 Musharax oo uu kamid yahay Camey, oo shantii sano ee lasoo dhaafay ku xigeen u ahaa Cabdiweli Gaas.

Puntland ayaa leh Khayraad badan, oo shidaalka uu kamid yahay, iyadoo heshiisyo kula jirta Shirkadaha DNO International ASA oo Norway laga leeyahay, Africa Energy Corp. oo fadhigeedu yahay magaalada Vancouver ee Canada iyo RAK Gas LLC oo wadanka Imaaraadka laga leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM