Puntland oo si adag u diidey shirka Farmaajo shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa waxay ganafka ku dhufatay shirka uu 4-ta bisha Maaj u muddeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyda Puntland ayaa lagu caddeeyay in muhiim tahay in goobta uu ku qabsoomayo shirka ay cayimaan Qaramadda Midoobay iyo howlgalka AMISOM.

"Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay".

"Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020," ayaa lagu xusay.

Waxaa lagu soo xiray: "Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya".

Jubaland ayaa mar sii horeysay uga soo horjeesatay shirkaas, iyaddoo ku adkeysatay in fursad la siiyo dedaalada xukuumada xil-sii-gaarsiinta laguna shiro goob amnigeeda lagu kalsoonaan karo.

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM