Puntland oo si heer sare ah u sagootisay goleyaasha xeer-dejinta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caaawa ka qayb-galay Xaflad ballaaran oo casho sharaf iyo sagootin isugu jirtay, taas oo loo sameeyay Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dajinta Soomaaliya oo maanta shir ugu soo dhammaaday magaalada Garoowe.

Kulankan casho sharafta ah waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalle Cawad, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Wakiilada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koon-fur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa Maye, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle Mudane Shiikh Cismaan Barre Maxamed , Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay kasoo qayb-galka kulankan muhiimka ah ee lagu sagootinayo Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dajinta Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyay qorshehooda isku duubnida ah oo ku tilmaamay inuu yahay mid ku dayasho mudan.

"Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay isu imaatinkan oo aan is leeyahay Soomaali oo dhan ayaa ku dhan intaan wada joogta, waan ku raacsanahay wixii wanaagsan ee meesha ka soo baxay, haddaanu annagu nahay reer Puntland, oo aanu nahay Maamulkii ugu horeeyay ee naf iyo maalba ku bixiyay inay dhisanto Soomaali la helo, wax Allaale wixii la isugu yimaado intaas ayaa farxad noo ah, kala maqnaanshaha ayaa annaga noo ah cudur," ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi CIsmaan Karaash.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland ayaa tilmamay inay Puntland ka go'an tahay waxkasta oo la isugu imaanayo, taas oo Soomaalidu ku hagaagayso, ayna tahay taariikh soo jireen ah oo Puntland lagu yaqaan.

- DHAMMAAD -

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM