Puntland oo "dishay" dableydii weerarkii Xabsiga Boosaaso

Image
Image

GAROWE, Puntland – Taliska ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka dhigay in ay soo afjareen inta badan dagaalemayaashii weeraray xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee taliska PSF-ta ayaa intaas ku daray in ay dileen 20 dagaalame oo Al-Shabaab ah kadib iska-hor-imaad ka dhacay duleedka koonfureed ee xarunta gobolka Bari.

Sidda ku xusan bayaanka, howlgalkaas waxaa lagu soo qabtay afar maxbuus kuwaas oo haatan wajahaya su’aallo waydiinta.

"Ciidanka Amniga Puntland waxay soo afjeereen intii badnayd Cadowgii soo weeraray Xabsiga magaalada Boosaaso," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Ciidanka waxay gacanta ku dhigeen maxabistii ay rabeen Al-Shabaab iyo Daacish inay la baxsadan. Sidoo kale Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab laga dilay in ka badan 20 dagaalyano waxaana laga qabtay 4 maxbuus".

"Ciidanka PSF waxay u mahadcelinaya ciidamada Kale Ee Puntland oo kagarab diriray intii ay sooafjaridu socotay. Shacabka waxaan ugu baqaynaa in Ciidanku diyaar u yahay naftooda in ay kor dhigaan kana badbaadiyaan cadowga Shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu daray bayaanka.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay: "Fadlan hadii aad aragtid Wax lid ku ah amniga ama ka soo baxsasday Firxadkii nagala soo xirir 477/388".

Weerarka xabsiga dhexe ee Boosaaso ayaa sababay in madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu socdaal deg-deg ku gaaro magaaladan dekadda leh. Balse, lama ogga talaabooyinka uu hogaamiyuhu qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM