Puntland oo soo bandhigtey dagaalameyaal kasoo goostey Daacish

Image
Mid ka mid ah raggan ayaa sheegay inuu u dhashay Suudaan laguna magacaabo Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiim.

GAROWE, Puntland - Laamaha ammaanka Puntland ayaa soo bandhigay saddex nin oo la sheegay inay ka goosteen kooxda Daacish ee sidda dhuumaaleysiga ah uga dagaalanta buuraha gobolka Bari.

Mid ka mid ah raggan ayaa sheegay inuu u dhashay Suudaan, wuxuuna magaciisa ku sheegay Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiim, waxaana muuqaalkiisa baahiyey telefishinka dowladda Puntland.

Cabdiraxiim oo kasoo muuqdey saxaafadda ayaa waxa uu tibaaxay in maamulka degmada Ballidhidhin ay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen, isla markaana ay siiyeen raashin iyo dharkii ciidda.

Labada kale waa Soomaali magacyadooda lagu kala sifeeyay Cali Yuusuf Cali iyo Maxamuud Macallin Maxamed. Shaqsiyaadkan waxaa la wariyay in ay kooxda ISIL-Somalia u qaabilsanaayeen howlgaladda.

Kooxda Daacish ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay faro kulul ku haysay degaanadda gobolka Bari gaar ahaan magaaladda Boosaaso halkaas oo ay baad kusoo rogtey ganacsatadda uguna goodisay khaarijin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM