Puntland oo taageertay go’aamada Isimada gobolada SSC

Image
Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa dhawaan ku eedeeyay Puntland in ay dagaalka qeyb ka tahay.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo habeenkii xalay ahaa magaalada Boosaaso kaga qayb-galay daahfurka qorshaha horumarinta degmada, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad.

Deni oo ku guda jira 10-kii bilood ugu dambeeyay ayaa soo hadal qaaday xaaladda Laascaanood isaga oo markii u horaysay si cad u sheegay in uu taageersan yahay go’aamada Isimada SSC.

"Waan taageersannahay go’aamada Isimada goboladda SSC waana aqoonsanaynaa wixii ay ku tashadaan iyaga oo u dhan taladooda," ayuu ku yiri nuqul kamid ah khudbadiisa.

Isaga oo sii hadlaya, Deni ayaa waxa uu afka ku balaariyay taageeradiisa iyada oo gobaladaasi dastuuriyan ay Puntland ka tirsan yihiin hadana ay aqbalayaan aayo ka tashiga bulshada SSC.

"Iyada oo gobalo Puntland ah ay yihiin dastuuriyan misana waxaan aqoonsanaynaa wixii ay go’aansadaan. Dad isku beel ah kala maamul way noqon karaan laakiin lama kala goyn karo," ayuu xusay.

Hogaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI oo siyaabo kala duwan u hadlay ayaa dhawaan ku eedeeyay Puntland in ay dagaalka qeyb ka tahay.

Balse, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa carabka ku adkeeyay in aanay Puntland dagaalka qayb ka ahayn isla markaana wuxuu bogaadiyay dhex-dhexaadinta dowlada Itoobiya ay ka dhex wado dhinacyadda.

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM