Puntland oo taageertay go’aamada Isimada gobolada SSC

Image
Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa dhawaan ku eedeeyay Puntland in ay dagaalka qeyb ka tahay.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo habeenkii xalay ahaa magaalada Boosaaso kaga qayb-galay daahfurka qorshaha horumarinta degmada, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad.

Deni oo ku guda jira 10-kii bilood ugu dambeeyay ayaa soo hadal qaaday xaaladda Laascaanood isaga oo markii u horaysay si cad u sheegay in uu taageersan yahay go’aamada Isimada SSC.

"Waan taageersannahay go’aamada Isimada goboladda SSC waana aqoonsanaynaa wixii ay ku tashadaan iyaga oo u dhan taladooda," ayuu ku yiri nuqul kamid ah khudbadiisa.

Isaga oo sii hadlaya, Deni ayaa waxa uu afka ku balaariyay taageeradiisa iyada oo gobaladaasi dastuuriyan ay Puntland ka tirsan yihiin hadana ay aqbalayaan aayo ka tashiga bulshada SSC.

"Iyada oo gobalo Puntland ah ay yihiin dastuuriyan misana waxaan aqoonsanaynaa wixii ay go’aansadaan. Dad isku beel ah kala maamul way noqon karaan laakiin lama kala goyn karo," ayuu xusay.

Hogaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI oo siyaabo kala duwan u hadlay ayaa dhawaan ku eedeeyay Puntland in ay dagaalka qeyb ka tahay.

Balse, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa carabka ku adkeeyay in aanay Puntland dagaalka qayb ka ahayn isla markaana wuxuu bogaadiyay dhex-dhexaadinta dowlada Itoobiya ay ka dhex wado dhinacyadda.

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM