Puntland oo digniin u dirtay bukaanada laga helay fayruska Corona

Image

GAROWE, Puntland – Taliska Booliska Puntland ayaa digniin u diray dadka la xaqiijiyey in uu soo ritay Covid-19 ee hareer-maraya talooyinka caafimaadka iyo amarka ku saabsan in ay guriyahooda baaqi ku ahaadan.

Cabdi Xasan Xuseen, taliyaha bileyska oo war-fidiyeenka kula hadlay Garowe, ayaa tibaaxay "in ay sharci u haystaan in ay qasab ku karantiilaan dadkaas, haddii ay qabtaan, iyagoo magaalada dhex-socda".

Xilli uu xusay ahmiyadda ay leedahay in dadku ku dhaqmaan talooyinka bahda caafimaadka, taliyaha wuxuu hoosta ka xariiqay in ay bilaabayaan howlgalo ka dhan ah shaqsiyaadka aan iyagu dhaqan-gelin.

Taliyaha ayaa "mas'uuliyad darro" ku tilmaamay talaabooyinka ay qaadayaan dadkaas, wuxuuna carabka ku adkeeyay in la tacaalayaan.

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu dhiirageliyey in ay kusoo wargeliyaan laamaha ammaanka iyo booliska haddii ay arkaan dadka noocaasi ah.

Bukaanka qaba Coronavirus ayaa si fudud ku qaadsiin kara dadyow kale oo badqaba, haddii uu ku qufaco meel ay joogaan ama uu taabto.

Dhanka kale, taliyaha ayaa shaaciyey raando joogto ah oo ay ku hubinayaan in mehradaha ganacsiga ay fuliyaan amarka kala fogaanshiyaha shacabka ee xukuumadda u soo rogtay xakameynta caabuqa dilaaga ah.

Degaanada Puntland ayaa laga xaqiijiyey 59 xaaladood oo ah fayruskaas sida fudud u faafa, laba dhimasho ah iyo hal soo kabasho ah, waxaana la saadaalinayaa in ay intaas kasii kordhi doonan haddii ka hortagga la xoojin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM