Puntland oo u hanjabtay Waxgaradka gobalka Nugaal

Image

(GO)- Madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah uu sii dhamaanayo ee Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu eedeeyay iska hor keenka Beelaha iyo ku tumashada Dastuurka.

Dhawaan waxgaradka gobalka Nugaal ayaa kulan ay Garowe ku qabteen waxaa ay kaga hor yimaadeen wax ka badalkii Dastuurka iyaga oo soo jeediyay in Doorashada Puntland ay wakhtigeeda ku dhacdo isla markaana dhaqanku soo xulaan wakiilada shacabka.

Maamulka gobalka Nugaal oo ay riixayso Madaxtooyada ayaa soo saaray fariin lagu tilmaamay " Hanjabaad cad" iyada oo lagu yiri " shirarka noocaan ah waxay keenayaan isku dhacyo iyo fidno".

Magaalada Garowe ayaa waxaa ka socda olele lagu caleemo saarayo Issim la sheegey inuu dhaqanka ku matali doono mid kamid ah Beel weynta Ciise Maxmud. Issimkaan cusub ayaa lagu kala qaybsamay iyadoo dadka kuurgala arimahaan xusayaan in madaxtooyada Puntland qayb ka tahay batnaamijkaan. Siciid Dani ayaa dadka cambaareeyo siyaasadiisa waxay sheegaan iney tahay mid iska horkeen lagu sameeyo beelaha Soomaaliyeed ee wada daga Puntland.

Deni ayaa ku fashilmay in uu gobalada Sool iyo Nugaal ka hirgeliyo Doorashada golayaasha Deegaanka iyada oo laga  digay muddo kororsi.

Dadweynaha reer Puntland ayaa ku baaqay in Doorashada lagu qabto wakhtigeeda isla markaana dhamaystirka hanaankan loo daayo xukuumada danbe balse madaxweyne Deni ayaa u muuqda mid isagu doonaya in uu Puntland ku sugo doorashada federaalka ee 2026. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM