Puntland oo ugu danbeyn ka badbaadday muddo kororsi

Image
Go'aanka Deni ayaa kusoo aadaya xilli Isimmada SSC-Khaatumo ay go’aamo kasoo saareen khilaafka Putnland

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad uu ka jeediyey magaalada Garowe kaga dhawaaqay in Puntland ay ku soo laaban doonto hannaankii hore ee doorashada, iyadoo lagu qaban doono waqtigeeda 8-da Janaayo.

“Aniga oo u damqanaya bulshadaydii, aniga oo dareensan duruufaha ku xeeran, aniga oo tixgelinaya haweenkii ku umulay iyaga oo codka bixinaya, waxaan aad uga xumahay go'aan aydan ku farxayn inaan qaato oo Puntland 8da January doorasho ka dhacdo.” ayuu yiri madaxweynaha.

Talaabada uu qaaday Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Isimmada SSC-Khaatumo ay go’aamo kasoo saareen ismarin-waaga siyaasadeed ee ka taagan Putnland iayaga oo soo jeeday in doorashadii hore lagu laabto laguna qabto xilligeeda.

Go’aanka madaxweynaha dhawaan xilka ka degaya ee uu kaga gaabsaday in uu muddo kororsi sameeyo ayaa yimid ka dib ololaha ay mucaaridku muddo dheer wadeen oo lagu ilaalinayey dimoqraadiyadda Puntland.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in dadaalka mucaaradku uu qeyb ka qaadan doono in laga hortago madaxweynayaasha soo socda ee dalka in ay qaadaan tallaabooyin hal dhinac ah oo saameyn taban ku yeelanaya hannaanka dimoqraadiyadda ee Puntland.

Tallaabadani ayaa la rumeysan yahay in ay bilow u tahay xaqiijinta doorasho xor & xalaal ah oo daah-furan ayna isku waafaqsan yihiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM