Puntland oo martida Shirka Maalgashiga u fududeyneysa visaha

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu gudoomiyey Kulanka Todobaadlaha ee Xukuumadda.

Qodobada kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Shirka Maalgashiga Puntland ee qabsoomaya 15-ka bisha September, sanadkan 2019.

Guddiga loo xil-saarey qaban-qaabada shirkaasi ayaa golaha uga warbixiyey halka ay wax u marayaan iyo diyaar-garowgii ugu dambeeyay.

Isbuucan, guddigu oo la kulmay rugta ganacsatada Puntland ayaa wuxuu kala hadlay kaalintooda shirkaasi, oo ay xuseen in ay noqon doonta mid muuqata.

Sidda laga soo xigtay war kasoo baxay kulanka Golaha Wasiirada, Deni ayaa faray Guddiga in ay dal ku galka u fududeeyaan ka qeybgalayaasha shirka.

Mudane Deni ayaa sidoo kale wuxuu ku tartarsiiyay hay’addaha ku shaqada leh arrintaasi in ay dhigaan visaha dhamaan baraha loogu talogalay.

Visahan la fududeynayo ayaa ah dal ku galka Soomaaliya maadaama Puntland ay kamid tahay dowladaha xubinta ka ah xukuumada federaalka ah.

Shirkaasi oo socon doona illaa iyo 17-ka bisha September ayaa waxaa kasoo qeybgeli doona maalgashato isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib.

Geesta kale, madaxweyne Deni ayaa  wareegto xafiiskiisa kasoo baxday wuxuu amar ku bixiyey in la joojiyo deegaameynta goobaha qaasinka ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM