PL oo wafdi u dirtey Taleex, ciidamo Somaliland oo gaarey [Dhageyso]

Image

GAROWE, 23 April, 2015 (GO)- Wafdi dowlada Puntland u dirtey magaalada Taleh halkaasoo dagaalo ku dhexmareen Labo beelood ayaa gaaray deegaano hoostaga degmada Taleex kadib markii magaaladaas gaareen ciidamo ka socda maamulka Somaliland.

Wafdigaan oo  isugu jiray wasiiro, xildhibaano ayaa sheegay inay ku sugan yihiin degaanka Xalin kadib markii magaalada Taleh galeen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka dekedaha Puntland Cabdulaahi Aadan Ciise ( Toohe ) oo hogaaminaya wafdigan oo Radio Garowe u waramayay ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyey in ciidamdooda qabsadeen degmada Taleex.

Waxa sidoo kale uu sheegay Somaliland inay dhowr Jeer oo hore timid degmada Taleex ay mas'uul ka tahay dagaalada halkaasi ku soo noqnoqda, intaasi waxa uu ku sii daray arimaha Taleex inay yihiin kuwo in badan soo noqnoqdey. 

" Arinka meesha maraya waxa weeye dhacdo soo noqnoqotay oo ay ku soo duuleen Somalialand, waxaana oran karaa lug bay ku leeyihiin coladaha meeshaas ka dhacaya, dad iyagu kicinayaan wuu ku jiraa meesha." sidaas waxaa wasiir ku xigeenka ayaa sidaasi yiri.

"Nimankaan bareeraha oo mar walba soo galaya xuduudaha Puntland oo ku soo duulaya dadkaas inay isku sii diraan mooyaane waxay ka qabanayaan ma jirto, marka iyagana digniin baan uga diraynaa , dawlada Puntland-na way ka fiirsanaysaa talabada ay qaadayso ,waxaana ugu baaqaynaa inay ka baxaan meesha yiri." ayuu yiri wasiir ku-xigeenka dekada isaga oo hadalkisa sii wata.

Wararka ka imaanaya degaankaas ayaa sheegaya in waftiga ka socda Puntland uu gali waayey Taleh kadib markii magaladaas qabsadeen ciidamo ka socda maamulka Somaliland.

Dhinaca wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdulahi Daahir Cukuse oo la hadley saxaafada ayaa sheegey in ciidamada Somaliland gaareen magaalada Taleh kadib markii halkaas ku dagaalameen Labo beelood.

Cabdulahi Daahir Cukuse ayaa sheegey in ciidamadooda gacan siinayaan odey dhaqameedka magaalada Taleh ku sugan kuwaasoo dhexdhexaadinaya Labadaan beelood oo degaankaas ku dagaalamey maamihii lasoo dhaafey.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa talabadaan mid lamid qaadey sanadkii lasoo dhaafey kadib markii ciidamadooda soo galeen magaalada Taleh iyadoo sidoo kale halkaas gaareen saraakiil ka tirsan xukuumada Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM