Puntland oo warbixin cusub kasoo saartey Coronavirus

Image
Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku boorisay shacabka in ay taxadaaraan maadaama la galay waqtiga qaboobaha.

GAROWE, Puntland - Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee caabuqa safmarka Covid19.

Xasan ayaa shaaca ka dhigay in iyadoo la galay waqtiga qaboobaha ah ay jirto in koror uu ku yimid xanuunka Covid19 si gaar ah degmooyinka Qardho iyo Buuhoodle.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiir Xasan ayaa xusay in labadii tododbaad ee la soo dhaafay dad badan laga helay xanuunka sidoo kalena ilaa dhawr qof ugu dhinteen xanuunka.

Magaalo Qardho ayuu caddeeyay in dhawaan ay ka dhacday doorashadii horu-dhaca ahayd ee golaha deegaanka ay sababtay safafkii dhadheeraa ee dadweynuhu galeen in xanuunka uu ku fiday sababayna in dad badan laga helay.

Wasaarada ayuu carabka ku adkeeyay in degmada Buuhoodle gaarsiisay Oxygenta sidoo kalena dadweynaha waxa uu kula taliyay inay talaalka qaataan,talaalka waa waxa kaliya ee la hubo in lagu yarayn karo fiditaanka xanuunka iyo saamayntiisa.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa cod dheer wuxuu maamulka heer gobol Cayn kula dardaarmay in ay kordhiyaan bixinta talaalka safmarka sidoo kalena wadaan wacyigalinta bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM