Puntland oo warbixin cusub kasoo saartey Coronavirus

Image
Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku boorisay shacabka in ay taxadaaraan maadaama la galay waqtiga qaboobaha.

GAROWE, Puntland - Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee caabuqa safmarka Covid19.

Xasan ayaa shaaca ka dhigay in iyadoo la galay waqtiga qaboobaha ah ay jirto in koror uu ku yimid xanuunka Covid19 si gaar ah degmooyinka Qardho iyo Buuhoodle.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiir Xasan ayaa xusay in labadii tododbaad ee la soo dhaafay dad badan laga helay xanuunka sidoo kalena ilaa dhawr qof ugu dhinteen xanuunka.

Magaalo Qardho ayuu caddeeyay in dhawaan ay ka dhacday doorashadii horu-dhaca ahayd ee golaha deegaanka ay sababtay safafkii dhadheeraa ee dadweynuhu galeen in xanuunka uu ku fiday sababayna in dad badan laga helay.

Wasaarada ayuu carabka ku adkeeyay in degmada Buuhoodle gaarsiisay Oxygenta sidoo kalena dadweynaha waxa uu kula taliyay inay talaalka qaataan,talaalka waa waxa kaliya ee la hubo in lagu yarayn karo fiditaanka xanuunka iyo saamayntiisa.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa cod dheer wuxuu maamulka heer gobol Cayn kula dardaarmay in ay kordhiyaan bixinta talaalka safmarka sidoo kalena wadaan wacyigalinta bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM