Puntland oo xirtay xuduudaheeda, xayiraadna kusoo rogtay Qaadka

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Jimce ah waxay soo saartey go'aanno cusub oo la xiriira siddii ay uga hortagi lahayd xanuunka saameynta ba'an yeeshay ee Coronavirus.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo saartey go'aanaddaas ayaa fartay in ay dhaqan-geliyaan dhamaan guddoomiyeyaasha gobolada iyo taliyaha Ciidamadda Booliska Puntland.

Go'aanadda waxaa qeyb ka ah in la xirayo xuduudka Somaliland iyo Kilinka Shanaad laga bilaabo 28-ka Maaj, 2020. Kaliya ardayda ka imaaneysa Itoobiya ayaa loo ogol-yahay in ay soo gudban.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay GO, ardayda oo la hubin doono aqoonsiyadooda ayaa haysta in ay kusoo xaroodaan ugu dambeyn 31-ka Maaj, 2020.

Bayaanka ayaa lagu xusay in laga bilaabo 28-ka Maaj aan wax Qaad ah la keeni karin Puntland. Laamaha amniga iyo maamuleyaasha gobolada waxaa la faray "in ay ciqaabaan ciddii fulin weyda".

Ganacsatada ayaa, sidda lagu caddeeyay warka qoraalka ah, waxaa laga codsadey in ay joojiyaan iibka badeecadaha badan ee ka yimaada dibadda.

Dalabkaas ayaa daaran "si loo hubiyo keydka cunto iyo badeecadaha daruuriga ah ee loo hayo dadka Puntland inta dalalka xuduudahooda xirtay ee badeecaduhu ka imaan jireen xaaladooda caadi kusoo noqoneyso".

Ugu dambeyntii, ciidamada ilaalada kastamyada ayaa lagu amray in laga bilaabo 30-ka Maaj ee sanadkan 2020 la joojiyo "wixii badeecado jumlo ah ee dibadda uga baxeysa Puntland. illaa iyo amar dambe".

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM