Puntland oo xukun ku riday rag loo haysto Al-Shabaabnimo

Image
Al-Shabaab iyo Daacish ayaa si dhuumaaleysi ah uga howlgala degaanadda Puntland .

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo lagu helay Al-Shabaabnimo iyo in ay geysteen dilal: Magacyadda shaqsiyaadkan ayaa kala ah;

1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo Barre macalin 52–jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho.

2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23–jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho.

10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25–jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho.

11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

12-Liibaan Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

13- Cabdiqani Farxaan Cabdulaahi ina Khadro Maxamed 18–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18–jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

15: Cabdixakiin Jamaac Xasan Dheere ina Maryan Axmed 52jir ah ooo ku dhashay Gaalkacyo ay maxkmadu ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa si dhuumaaleysi ah uga howlgala degaanadda Puntland hase ahaatee xukuumadda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni waxay ka gaabisay dagaalka ay kula jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM