Puntland: Qalbi Dhagax oo soo gaarey Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax], ayaa maanta oo sabti soo gaarey magaalada ganacsi Puntland, ee Boosaaso halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso ayaa Qalbi Dhagax kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato mas'uuliyiin maamulka magaalada, odayaasha dhaqanka iyo shaqsiyaad kale, sida ay wararku sheegayaan.

Lama oga waxa ay salka ku hayso booqashada Qalbi Dhagax, oo ka yimid dhanka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in Qalbi Dhagax uu socdaal ku tagi gobolka Mudug, oo ah halkaasi laga soo qabtey sanadkii hore kahor inta aysan dowladda Federaalka u gacan gelin Itoobiya.

Dhiibistii Qalbi Dhagax ayaa dowladda uu hogaamiyo Farmaajo kala kulantay madax-xanuun siyaasadeed iyo cambaareyn culus, iyadoo lagu dhaliilay inay ku degdegtay in sarkaalkan katirsan ONLF ay u gacan geliso Xukuumadda Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM