Puntland: Qarax lala eegtay kolanyo galbineysay madax sare

Image

GAROWE, Puntland - Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday halka labo kale ay ku dhaawacmeen kadib markii laba qarax oo is xigay ay ka dhaceen wadada gasha degaanka Bali-dhidin ee gobolka Bari.

Weerarka ayaa lala eegtay wafdi ka yimid degmada Iskushuban ayna la socdeen Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan, taliyaha ciidanka daraawiishta Puntlnad iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Hase ahaatee, waxaa dhacdooyinka noocaan looga bartey kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya si gaar ah maleyshiyadda Al-Shabaab.

"Qaraxa waxaa sidoo kale ku burburay mid kamid ah gaadiidka kolanyadda. Waana waxyeeladda illaa haatan la og-yahay in uu sababay weerarkaas," ayay sheegeen dhowr illo wareedyo kala duwan.

Illo wareedyadda ayaa waxay intaas u dareen: "Mas'uuliyiinta sar-sarre ee kolanyadda qeybta ka ahayd way nabad-qabaan waxayna sii wateen safarkooda ku wajahanaa degmadda Bali-dhidin".

Qaraxyaddan noocooda lagu sheegay in ay ahaayeen miinooyin ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay muddooyinkii u dambeysay xukuno ku riday shabakado ka tirsanaa maleyshiyada Al-Shabaab.

Shabakadahan oo ka howlgalayey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu eedeeyay in ay dileen ku dhowaad 300 qof tan iyo 2002-dii. Muuqaalo ay ku duubeen ayay ku qirteen dilalka ay ka dambeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM