Puntland: Qeybta kaararka codbixinta oo bilaabatay

Image
Image
Image
Siciid Abshir Siciid ayaa noqdey qofkii ugu horeeyay ee kaarka cod-bixinta ka qaatay degmada Eyl.

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa Isniinta maanta ah wuxuu si rasmi ah u daahfuray qaybinta kaararka codbixinta coddeynta dowladaha hoose.

Qaybinta kaararka oo si rasmi ah uga wada bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufayn ayaa socondoona ilaa 27 september 2021, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga.

Siciid Abshir Siciid oo ka mid ahaa dadkii iska diiwaangashay Degmada Eyl ayaa wuxuu noqdey qofkii u horeeyay ee qaata kaarka codbixinta guud ahaan degaanadda Puntland.

Siciid oo ka waramay dareenkiisa kadib markii la siiyey kaarka cod-bixinta ayaa muujiyey farxad weyn wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in uu codiisa dhiibto maalinta la coddeynayo.

Nabadoon Cabdirshiid Cali Mire oo horey u noqdey qofkii u horeeyay oo iska diiwaangasha Degmada Eyl xiligii diiwaangalinta codbixintu socotay ayaa maantana noqday qofkii koowaad ee kaarka qaatay.

Sidoo kale, gudoomiye ku xigeenka degmada ayaa qudhiisa wuxuu noqday qofkii labaad ee qaata kaarka codbixinta waxa uuna Bulshada reer Eyl uga baaqay inay qaataan kaararkooda.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa horey u soo saaray shaxda isusoo baxyada Ururadda Siyaasadda ee Puntland oo bilaamandoonta 26/09/2021.

Shaxda liiskaan oo lagu soo dhisay qori tuur ayaa Urur walba yeelan doonaa 3 beri oo kala duwan oo uu samaysan karo banaan baxyo waaweyn oo qayb ka ah ololaha ururka ee doorashooyinka 3 degmo.

Doorashadda horudhac ah ee dowladaha hoose ee Puntland ayaa 10-ka urur siyaasadeed waxay ku baratami doonan 25-ka bisha soo aadan ee October, sida ku xusan jadwalka guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM