Puntland: Saciid Cabdullaahi Deni oo isku-soo-xiray xero ciidan

Image
Madaxweynaha muddo bileedkiisa bilooyinka uga hareen ayaa taliska PMPF-ta kawada abaabul ciidan.

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka uga hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu isku soo xiray xerada ciidamadda PMPF-ta ee magaalada Boosaaso, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Deni oo bishii hore tagay xarunta gobolka Bari ayaa ka guuray Madaxtooyadda Boosaaso halkaasoo kaliya uu u tago kulamadda furan ee uu la qaadanayo dadka uu doonayo wallow ay ka badan yihiin shirarka qarsoodiga ah.

Sidda laga soo xigtey dad si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Deni, sababta uu hogaamiyaha Puntland ugu wareegay xerada ciidanka PMPF-ta ayaa salka ku haysa in uu "dhuumanayo shaqsiyaadka uu balamo siyaasadeed ugu sameeyay".

Balan ka bax siyaasadeed

"Dadka uu ka dhuumanayo madaxweynaha waa kuwii u uku howlgeliyey ka shaqeynta barnaamijka dimuqraadiyada ee lagu muransan yahay hase ahaatee uu balamahoodii wali u fulin," ayay dad xog-ogaal ah u sheegeen mareegga GO.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Deni uu taliska PPMF-ta ka waddo abaabul ciidan oo ku wajahan gobolada uu doonayo in uu sida qasabka ah uga fuliyo diiwaan-gelinta halka dhinac ah gaar ahaan goboladda Nugaal iyo Haylaan.

"Madaxweynaha wuxuu xerada dhexdeeda amaro kasoo siinayaan ciidamo uu doonayo in uu ku daabulo goboladaas si ay dadweynaha ugu cadaadiyaan ka qeybgalka diiwaan-gelinta hubeysan," ayay ku dareen dadka wargalka ah.

Cawaaqibka ku darsiga

Qaar kamid ah ururada, madasha siyaasadda iyo dadweynaha Puntland ayaa Deni uga digay in uu juub-juub iyo qardo-jeex ku hirgeliyo barnaamijka dimuqraadiyeynta waxaana ay sheegeen in ay keeni karto gacan-ka-hadal iyo firaaq dastuuri ah.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in barnaamijka dimuqraadiyeynta uu Deni ku hoos-qarinayo muddo kororsi uu kusii joogo xafiiska "taasoo hareermarsan dastuurka Puntland".

Ugu yaraan hal qof ayaa bishii hore ku dhaawacmay rasaas uu askari ku furay dadwayne magaalada Dhahar ku qabtey banaanbax ka dhan ah diiwaan—gelinta lagu muransan—yahay ee xukuumadda Saciid Deni ay gadaal ka riixeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM