Puntland: Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo laga sii-daayey xabsiga

Image

4 Sept,2015 (GO)- Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab oo bishii August 22,2015 ciidamada amaanka Puntland ku qabteen duleedka magaalada Garowe laga sii daayey xabsiga kadib markii amar kasoo baxey madaxweynaha dowlada Puntland.

Sarkaalkaan oo magaciisa la yiraahdo Cabdulahi Cabdi Xaaji loona yaqaano Mursal Madoobe ayaa u qaabilsanaa ururka Al-Shabaab madaxa howlgalada iyo xiriirka gobolada. 

Madoobe ayaa markii la qabanyey ka yimid buuralyda Galgala isagoo ku soo jeedey gobolada Koonfurta Somalia.

Lama oga sababta madaxweynaha Puntland u baxshey amarka lagu sii daayey sarkaalkaan iyadoo warbixin horey uga soo baxdey Qaramada Midoobey qaybta la socota arrimaha Somalia iyo Eretiria ku eedeeyeen xukuumada Gaas siyaasada la yiraahdo qabasho iyo sii deyn ( Catch and Release).

Sarkaalkaan la qabtey ayaa wararka warsidaha Garowe online soo gaaraya sheegayaan inuu sanadka 2013 u soo wareegey buuraleyda Galgala isagoo ka qayb qaatey weerar horey loogu qaadey xabsiga dhexe ee magaalada Bosaso.

Xabsiyada Puntland ayaa laga sii daayey xubno kala duwan ee ka tirsan ururka Al-shabaab sanadihii 2014-2015  kuwasoo ay kamid ahaayeen Cabdirizaq Xusen Tahliil "Ilkacase", Maxamad Abshir Cartan, Cabdiqani Nuur Qorane iyo kuwo kale kuwasoo ku xukunaa xabsi dambiyeedyo kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM