Puntland oo dooratay kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Hoose

Image
Laba kamid ah kuraastan waxaa kusoo baxay xubno ka tirsan xukuumadda madaxwayne Deni.

GAROWE, Puntland - Doorashadda shan kursi oo kamid ah xubnaha Puntland ku meteli doono afarta sano ee soo aadan Aqalka Hoose baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacdey Garowe.

Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, oo ah Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland, ayaa loo doortay Kursiga Hop196 ee Gollaha Shacabka, isagoo ku guuleystay doorasho ka dhacday Garowe Maanta.

Cali Yuusuf Xoosh, oo dib loogu doortay Kursiga summadiisu tahay Hop200. Xoosh ayaa qofkii la tartamayey kaga guuleystey 93 cod, sida uu shaaciyey guddiga daadihinaya coddeynta.

Cabdullaahi Xasan Rooble, oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Puntland, ayaa wuxuu isna ku guuleystay kursi Gollaha Shacabka. Wuxuu helay 93 cod.

Kursiga HOP235 oo ay ku tartameen Cabdilaahi Bidhaan Warsame iyo Cabdixakiin Jaamac Xasan ayaa waxaa ku guulaystay Bidhaan oo helay 99 Cod, halka Cabdixakiin Jaamac Xasan uu helay 2 Cod.

Kursiga HOP166 waxaa ku tartamay musharax Axmed Cabdi Xaashi (Axmed Taajir) iyo Axmed C/salaam Ibraahim. Doorashada Kursigaan waxaa ku guulaystay Axmed Cabdi Xaashi (Taajir) oo helay 98 Cod, halka Axmed Cabdisalaam Ibrahim uu helay 2 Cod.

Puntland ayaa Golaha Shacabka waxay ku leedahay 37 mudaneyaal, halka Aqalka Sare ay ku metelaan 11 Senator. Heshiiska doorashada wuxuu xeerinayaa in Aqalka Hoose lagu soo dhameystiro muddo 41 casho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM