Su'aallo la waydiiyey guddiga Puntland ee xaalka Laascaanood

Image
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada baarlamaanka Puntland ayay hortageen mas'uuliyiintan.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa guddoomiyey fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada.

Kulankan ayaa waxaa hor-tagay Guddiga Xukuumaddu u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka ka soo barakacay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Guddiga Xukuummada ayaa warbixin ku saabsan hawlaha loo xilsaaray la wadaagay Guddiga Joogtada ah, sidoo kalena, Guddiga Joogtada ah ayaa wax ka weydiiyey warbixinta lala wadaagay, isla mar ahaantaana talooyin ku biiriyey hawlaha Bini´aadanimo ee Guddigu ku hawlan yahay.

Dadka la socda dhaqdhaqaaqa guddiga xukuumadda ayaa aaminsan in illaa haatan aysan qaban shaqo muuqata isla markaana shacabka kusoo barakacay caasimada Garowe aysan helin wax taakulo ah.

Guddiga joogatada ah ayaa kula dar-dardaarmey Guddiga Xukuumadda Dawladda Puntland u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada in ay sii laba jibaaraan wax ka qabashada hawlaha culus ee loo xil-saaray.

Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdi Siciid Farax Juxa oo kamid ahaa gduuiga dowlada ayaa kulanka ka sheegey in siyaasiyiin reer Puntland siyaasadeynayaan xaalada ka jirta Laascaano taasoo ganafka ay ku dhufteen guddiga joogta.

Soojeedintan ayaa waxay kusoo hagaagaysaa xilli xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool maalin walba ay ka sii darayso isla markaana dagaaladda ay wali halkooda kasoo soconayaan.

Garowe ayaa waxaa soo gaarey dadwayne kasoo barakacay dagaaladda Laascaanood. Sidoo kale, waxaa caasimadda Puntland la geeyay qaar kamid ah dhaawacyadda iyaddoo kuwa kale loo qaadey Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM