Puntland: Suldaan Garaase oo u ambabaxey degaanka Qarxis Nugaal

Image

GAROWE, June 26,2015 (GO)- Suldaan Siciid Maxamad Garaase oo ka tirsan Isimada gobolka Nugaal ayaa maanta wafti uu hogaaminayo waxay u ambabaxeen degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan dowlada Puntland iyo ciidamo uu hogaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska Puntland.

Safarka Suldaanka ayaa wararku sheegayaan inuu baajiyey dhamaan guddiyo damacsanaa in dhowaan u ambabaxaan goobaha ciidamadaan isku-horfadhiyaan ee ka tirsan gobolka Nugaal.

Maalmihii lasoo dhaafey kulan ka dhacey magaalada Garowe ayaa lagu magacaabey guddi ka kooban 25 xubnood kuwasoo sheegey iney u ambabaxyaan degaanka Qarxis balse baaqdey kadib markii hadalo ay saxaafada ka sheegeen dhexdhexaadnimadooda dhaawac u gaarey.

Xiisada ka taagan gobolka Nugaal ayaa cirka isku shareertey kadib markii madaxweynaha dowlada Puntland amar ku baxshey asbucii lasoo dhaafey in talaabo ciidan laga qaado ciidamada uu hogaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee Booliska Gen. Muxayadiin Axmad Aw-Muuse.

Ciidamada Gen. Muxaydiin oo u dhaqaaqey degaano ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxaa ku biirey maleeshiyo beleedyo farabadan kuwasoo ku sugan degaankaas taasoo adkeysay xaalada taagan.

Waxgaradka degaanada Puntland ayaa qaadey talaabooyin ay kaga hortagayaan dagaalo ka dhaca degaankaas kuwasoo khatar galin kara jiritaanka maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM