Talooyin laga soo saarey habka loo xulay kuraasta Aqalka Hoose

Image
Puntland ayaa Jimcadii shalay waxay soo afmeertay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

GAROWE, Puntland - Gudoomiyihii hore ee guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax, ayaa ka hadlay qaabka ay ku qabsoontey xulista kuraasta Golaha Shacabka ee Puntland.

Saalax oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka dhigay in coddeynta ay soo idlaatay iyadda oo ay "ku xeeran yihiin tabashooyin badan".

Siyaasiga oo shaqadda ka tagay 2-dii Janaayo ee sanadkan 2022-ka ayaa soo bandhigay sideed qodob oo uu tilmaamay in loo wajihi karo xal u helida "hurgumooyinka ka dhashay geedi-socodka doorashada".

HOOS KA AKHRISO QODOBADA UU KU TALIYEY

1. Doorashadu uma qabsoomin si furan oo hufan, kursi walba bannaanka hoolka doorashada ayaa lagusoo xulay iyadoo aan la ogolaan in lala tartamo qofka la xushay.

2. Doorashadu muddadii ay socotay waxay dawladdu ku bixisay malaayiin doollar iyada oo ay Puntland ka jirto abaaro ba’an, sicir barar, adeegyadii arrimaha bulshada oo hooseeya iyo mashaariicdii kaabayaasha dhaqaalaha ee iskutashiga lagu waday oo wada qabyo ah.

3. Xubnaha labada aqal ee soo baxay eed kuma leh hannaanka lagusoo doortay/xushay, waxaase horyaalla masuuliyad wayn sidii ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegi lahaayeen matalaad dhab ahna ugu samaynlahaayeen Puntland. Reer Puntland waxay idin ku qiimayndoonaan sida aad ugu matashaan aqalada aad ka tirsantihiin.

4. Waxaa dhaawac soo gaaray wadajirkii bulsho maadaama koox kooban faramaroojisteen hannaankii doorasho, si ka baxsan sharciyadda iyo habraacyadii doorashada. Hurgumooyinka ka dhashay doorashada waxay ubaahanyihiin in laga dhayo hogaanka bulshada gaar ahaan dhaqanka laga hor-istaagay kaalintii ay ku lahaayeen hannaanka iyo aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta mudnaa in ay tartamaan ee laga xirtay.

5. Masuuliyiinta dawladda ee gacmahoodu ku wasaqoobin boobka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Kuxigeenku waxaa u furan kaalin ay hormuud unoqdaan dhaayidda hurgumooyinkaas ka dhashay doorashada si looga baaqsado inuu sii fido tararka galay wadajirka bulshada.

6. Masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda Puntland ayaa Madaxweynuhu u xushay inay ka mid noqdaan xubnaaha Baarlamaanka Federaalka, arrintaani waa ugub waxayna umuuqataa in la furfurtay hay’adihii dawlagi ahaa loona ekeysiiyay sallaan lagu fuulo jagooyinka federaalka.

7. Haddii Madaxweynuhu u tartamayo madaxnimada Soomaaliya waa in uu bulshada sidaas u sheegaa xilkana wareejiyaa si aysan u imaan firaaq dastuuri ah, shaqooyinka dawladuna uga baxaan hakadka haystay muddadii doorashadu socotay. Damaca gaarka ah iyo dawladnimada Puntland kalasaaris ayay u baahantahay.

8. Bulshada reer Puntland waxay soo mareen xaalado ka adag tan maanta taagan, waxaana looga soo gudbay dulqaad, tanaasul, iskuduubni iyo iskutashi. Tabasho kasta oo jirta waa muhiim in hoggaanka bulshada ee leh dhaqan, culimo, siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoonyahanba ay u jiheeyaan bulshada sidii wadajirka iyo xasiloonida loo ilaashan lahaa.

Maalmihiisii guddiga ku meelgaarka doorashooyinka Puntland, Guuleed ayaa lagu dhaleeceeyay in uu "qaab aan sax ahayn" u maareeyay doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ee dadka mandiqada u dareereen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM