Puntland: TPEC oo wajahaysa fadeexad horleh xilli laga xadey agab

Image
Muuqaalo la helay ayaa muujiyey caruur la diiwaan-gelinayo kadib markii ay yaraadeen dadka usoo baxaya.

GAROWE, Puntland - Iskuulka Cumar Samatar magaaladda Gaalkacyo oo ay ka socotey diiwaan-galinta doorashooyinka golaha degaanka ee lagu mursan-yahay ayaa waxaa laga xaday saddex computer kuwaas oo la sheegey in guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka TPEC u isticmaaleysay shaqadan halka dhinac ah.

Illo wareedyo u waramay Garowe Online ayaa shegeey in goobtaas iska diwaan galinayeen mid kamid ah qabaa’ilka dega magaalada. Muran xoogan oo goobta ka dhacay ayaa la sheegay in horjoogayasha dadka iska-diwaan-galinaya goobtaas leeyihiin "in xatooyada agabkaas loola dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo sumcadooda".

Iyadoo aysan jirin ururo siyaasadeed oo ku howlan diwaan-galintaan ayaa howlwadeenada xukuumada iyo TPEC ee dabada ka riixaya barnaamijkan ku tartansiinayaan qabaa'ilka wada dega gobolada diwaan-galintaan ka socoto in aan laga badan is-diwaan-galinta maadaama ay waayi karaan xubinada golaha degaanka kadib-na gudoomiyaha degmadaas.

Tan ayaa sababi karta amni daro iyo isku-dhac beelaha wada-dagan gobolkaas marka ay waayaan xubin ama xilka xafiiska gudoomiyaha degmada, sidda ay qabaan dadka xog-ogaalka ah.

"Is-diiwaan-galintu waa barnaamij siyaasadeed oo xukuumada madaxweyne Dani ku rabto muddo kororsi, mana jirto ururo siyaasadeed iyo fikardo lagu kala duwan yahay oo yaala goobaha la iska diwaan galinayo," qof goob-jooge ka ah goobaha la iska diwaan galinayo ee Galkacayo ayaa sidaas u sheegay Garowe Online.

Dhinaca kale, waxaa jira is-diwaan-alin lagu sameynayo caruurta aan qaarka aheyn kadib markii hoos u dhac ku yimid dadkii u soo bixi lahaa barnamaijkaan. Hoos u dhaca ayaa keeney wel-wel dadku ka muujiyey siyaasadaha ku hareereysan barnaamijkaan.

Dhowaan ayay aheyd markii hay’ada PDRC qoraal ay soo saartey ku sheegtey in barnaamijkaan u baahan yahay wadar-ogol halka muhiim iney tahay ku sheeegeen in Madaxwehnaha looga baahan yahay mowqifkiisa ku aadan doorashada madaxa xafiiska u sareeya Puntland.

Sikastaba ha ahaatee, PDRC oo ah hay’ad ka shaqeyneysay Puntland muddo farabadan ayaa lumisey kalsoonida inta badan ururada siyaasada kadib markii lagu eedeeyeen iney iska indha tireen ka qayb qaadashada xalinta iyo u qareemida eedeymaha ku hareereysan cabsida laga qabo in barnaamijkan noqdo xor iyo xaalaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM