Puntland: TPEC oo xariga ka jartey xafiis horleh

Image
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo dhow-dahay waqtiga doorashada dowladaha hoose.

GAROWE, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Jaamac Xirsi Faarax, ayaa xarunta gobolka ee Degmada Caluula xariga uga jaray xafiiska gobolka Gardafuu ee TPEC.

"Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Jaamac Xirsi Faarax uuna ka mid yahay Agaasimaha howlgalada Doorashooyinka Maxbuub Nuur ayna weheliyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobolka Gardafuu ayaa xarunta gobolka ee Degmada Caluula xariga uga jaray xafiiska gobolka Gardafuu ee Guddiga Doorashooyinka Puntland," ayuu guddigu yiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Xarig jarka ka dib waftiga TPEC ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada waxayna uga mahadceliyeen sida ay usoo dhaweeyeen, sidoo kale waxa ay uga warbixiyeen ujeedka xafiiska loo furay iyo shaqooyinka uu qabanayo waxayna ku wacyigaliyeen inay soo dhaweeyaan Ururadda kana mid noqdaan Ururka ay doonaan si codkooda ay ugu doortaan qofka ay rabaan".

Bishii August 19-keeda, Wafdi uu hogaaminayo Cali Jaamac Faarax oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Agaasimaha Wacyigalinta TPEC Faysal Khaliif Barre ayaa xarig jaray xafiiska gobolka Sool ee Guddiga Doorashooyinka Puntland.

"Furitaanka xafiiska oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada, qaar kamid ah Ururada Siyaasadda xafiisyada ku leh magaalada Boocame iyo masuuliyiinta gobolka ayaa xubnaha Guddigu sheegeen in xafiisku ka shaqayn doono sare uqaadida fahamka dadweynaha gobolka Sool ee Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland iyo habsami usucodka shaqada Guddiga," ayaa la raaciyey qoraalka.

Bishii August, 28-keeda, Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre uuna ka mid Afhayeenka TPEC Cabdinuur Sheekh maxamed ayaa xarig jaray xafiiska gobolka Mudug ee Guddiga Doorashooyinka Puntland.

"Furitaanka xafiiska oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada, qaar kamid ah Ururada Siyaasadda xafiisyada ku leh magaalada Gaalkacyo iyo masuuliyiinta gobolka ayaa xubnaha Guddigu sheegeen in xafiisku ka shaqayn doono sare uqaadida fahamka dadweynaha gobolka Mudug ee Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland iyo habsami usucodka shaqada Guddiga," ayuu xusay.

Talaabooyinkan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo dhow-dahay waqtiga doorashada dowladaha hoose oo ah 25-ka bisha October, 2021 waxaana ururada siyaasadda ay si weyn isugu diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan coddeyntan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM