Puntland TV oo hawada uga baxey lacago lagu yeeshay

Image

Arbaco, Sept 3,2014 [GO]- Waxaa maanta hawada ka baxay telefishinka Puntland si rasmiyana looma oga sababta ka danbeysa isbedelka ku yimid shaashada Tv-ga oo in badan oo ka mid ah dadweynaha Puntland si weyn ula socdeen.

Warar soo baxaya oo laga soo xigtey ilo madax banaan ayaa sheegaya  ka dib markii la bixin waayay kirada Satellite-ka 4 bilood ee u danbeysay inay hawada ka saartey Shirkada iska leh Satellite-ka uu isticmaalo PLTV muuqaalka la iska arko ee Warbaahinta .

Telefishinka Puntland tv ayaa hawada soo galay bartamihii sanadkii horre 2013 waxaana la bixin jirey bil walba kirada lacag dhan $ 11,500 Kow iyo Toban kun iyo Shan boqol oo dollar.

Ma jirto wax war ah oo ay kasoo saareen sababta loo arki waayay 24 saac ee lasoo dhaafey TV-ga mas'uuliyiinta warbaahinta Puntland iyo Madaxda Dowlada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM