​Puntland: Wasaaradda waxbarashada oo shaacisay natiijada imtixaanka dugsiyada sare

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, ayaa goordhaweyd ku dhawaaqday natiijada dugsiyada sare, imtixaan la qaaday 21 May ee sannadkan 2016.

Kulan ka dhacay xarunta wasaaradda waxbarashada oo ay kasoo qayb galeen mas'uuliyiin iyo qaar kamid macalimiinta dugsiyada sare ee Puntland, ayaa lagu shaaciyay natiijada iyadoo lagu soo bandhigay wadar guud oo muujinaysa heerarka kala duwan ee natiijada loo keenay.

Agaasimaha imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Axmed Sahid ayaa ku dhawaaqay natiijada wuxuuna sheegay in;

18% Ardaydu keeneen Darajada loo yaqaano A, taaso  u dhiganta 605

33% Ardaydu waxay keeneen Darajada B, taaso  u dhiganta 1061

33% Ardaydu waxay keeneen Darajada C, taaso  u dhiganta 1083

13% Ardaydu waxay keeneen Darajada D, taaso  u dhiganta 117

3% Arday waxay keeneen Darajada E, taaso  u dhiganta 98 

Dhinaca kale wasaaradda ayaa shaacisay magacayada tobanka Arday ee ugu sareeyay imtixaanka iyo dugsiyada ay kasoo jeedaan, waxayna sheegtay in lagu kala tagay xagga dadaalka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale soo bandhgtay maadooyinka iyo cel-celis ahaan sida loogu baasay iyadoo sheegtay inay maadooyinka sayniska ah aad loogu hooseeyo, waxaana xafiiska imtixaanaadku codsaday in koor loo qaado.

  1. Tarbiyadda, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %70.99
  2. Af-Somali, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %70.22
  3. Af-Carabi, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %58.7
  4. English, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %55.8
  5. Agriculture, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %52.39
  6. Geography, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %51.5
  7. Physics, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %45.9
  8. Biology, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %44.87
  9. Chemistry, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %39.6
  10. Xisaabta, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %30
  11. Business, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %47
  12. History, waxaa cel-celis ahaan Ardaydu ku baaseen %43.8

Sannadkan, ayaa waxaa imtixaanka dugsiga sare u fariistay 3300 oo Arday, waxaana imtixaanka soo maray heerar kala duwan isagoo soo bilawday bishii January ee sannadkan kaasoo laga soo bilaabay diiwaan galinta Ardayda ilaa laga gaarsiiyay qaadista imtixaanka.

Faah faahinta goordhaw kafilo Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM