Puntland: Wasiir difaacay go’aan Gaas dabada ka riixayo

Image

GAROOWE, Puntland - Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali [Qarjab] ayaa difaacay go’aan uu Guddiga Difaaca gaarey, kaasoo ahaa in murashaxiinta ay kusoo wargeliyaan hay’addaha amniga marka ay qabsanayaan kulamada siyaasadeed.

Ujeedka ugu wayn ee laga leeyahay talaabadani ayuu Wasiirka daboolka ka qaaday inay tahay si hay’addaha nabad-gelyadda u xakameeyaan hadii ay dhibaato ka timaado kulamaadaasi oo dad badan ay kasoo qaybgalaan.

Murashaxiinta qaarkood ayuu xusay Wasiir Qarjab inay soo dhaweeyeen go'aanka Guddiga difaaca qaatay, inkastoo kuwa kale ay kasoo horjeesteen, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid lagu cuburinayo, sidoo kalena lagu dagaalamayo ololahooda doorashada

Madaxweyne Cabdiwali Gaas, ayaa la fahansan yahay inuu dabada ka riixayo go’aankani uu bilooyin kahor gaarey Guddiga difaaca Puntland, xili damaciisu yahay inuu ku xakameeyo dhaqdhaqaaq badan oo ay sameeyaan murashaxiinta kasoo horjeeda.

Gaas iyo koox kale oo Xilldhibaano waqtigooda dhamaadey, ayaa la ogaaday inay ku mashquulsan yihiin sidii ay wax ka bedal ugu sameyn lahaayeen qodobo kamid ah Dastuurka, gaar ahaan midka xeerinaya tirada kuraasta Baarlamaanka maamulkan.

“Wax caburin la yiraahdo ma jirto. Kaliya waa in la hubiyo nabad-gelyadda. Murashaxiinta way soo dhaweeyeen, waxayna sheegeen inay iyagu ay u baahan yihiin in la sugo amaankooda,” ayuu yiri Wasiir Qarjab oo wareysi siiyey BBC-da.

Doorashada Puntland ee January 2019 ayaa ah mid ka xamasad badan kuwii hore xili Cabdiwali Gaas oo lagu tilmaamay midkii ugu musuq-maasuqa badnaa taariikhda maamulkaan 20-sano jir-saday, uusan wali caddeynin hadii uu Murashax yahay.

Ugu dambeyntii, Qarjab ayaa gaashaanka ku dhuftay in Kontaroolka laga soo galo magaalada Garoowe lagala dego gaadiidka dadka shacabka ah, kuwaasoo lagu shabadeeyo inay “argigixiso yihiin” ama xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM