Puntland: Wasiir u dalacay Xildhibaan oo la maamuusay

Image
Image
Image
Qawdhan waxaa ku weheliyey Xildhibaanada cusub ee Dawlada Federalka Soomaaliya.

GAROWE, Puntland - Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa qado sharaf, hambalyeyn, duco iyo dardaaran isugu jira u sameeyey Wasiirku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna Xildhibaan DFS Mudane Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan.

Xildhibaan Qawdhan waxaa ku weheliyey Xildhibaanada cusub ee Dawlada Federalka Soomaaliya ee ay ka mid yihiin Xildhibaan Yuusuf Cali Xoosh, Xildhibaan  General Axmed Taajir, Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble

Xisaabiyaha Gobalka Nugaal Mukhtaar  Cabdi Faarax oo ku hadlay afka qaban-qaabiyayaasha qada sharaftan ayaa tilmaamay in xafladan ay soo agaasimeen dhamaan shaqaalaha wasaaradda Maaliyada iyo madaxdooda ayna ujeedadeedu ahayd  saagootinta, u ducaynta iyo la dardaaranka xubnaha cusub uuna kamid noqday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Maaliyadda,  wuxuuna sheegay inay tebi doonaan Wasiir Cabdi Qawdhan balse ay ku hilmaami doonaan masuuliyadda uu qaranka u qaaday xili doorkiisa loo baahnaa.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamed Cabdiqaadir iyo Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada Mudane Keenadiid Cali Jaamac ayaa iyaguna si isku mid ah ula dardaarmay, uguna duceeyey xubnaha cusub ee Xildhibaanada DFS.

Xildhibaanada cusub ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda qada sharaftan waxayna sheegeen inay tani muujinayso sida shaqaalahani u jeclaayeen Wasiirkooda Cabdi Ibraahim Warsame.

Wasiirku xigeenka Maaliyadda ahna Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame ayaa u mahadceliyey shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna tilmaamay inuusan ilaawi doonin wada shaqayntoodii iyo saxiibtinimadii dhexmartay mudadii ay wada shaqaynaayeen, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan shaqada qaran ee ay ummadda reer Puntland u hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM