Wasiirka tacliinta oo ka falceliyey baarista Hantidhowrka

Image
Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan

GAROWE, Puntland – Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa rumeysan in habka hantidhowrka dowladda u maareeyay baaritaanka saraakiil la tuhmay kana tirsan wasaaradda oo tuhun uusan sal iyo raad ku lahayn hanaanka sharciga ah.

Xasan oo aaminsan in baaritaanka uu leeyahay habraac ku dhamaada hay’adaha garsoorka ayaa dhaleeceeyay in baraha bulshada lagu faafiyey warka saraakiisha baaritaanka wajahaysa taasoo uu tibaaxay in ay abuurtay xaalad aan loo baahneyn iyo khalkhal.

"Marka saameyn way yeelan kartaa waana macquul hay’addihii nala shaqeynaayey," ayuu yiri. "Waxaa dhici karta in ay joojiyaan aaminaadii ay dhisaneynay. Wasaaradda kaliya ma ahan guud ahaan dowladda ayay saameyn kartaa arrintaan".

Bartamihii asbuucaan ayay ahayd markii Hantidhowrka guud ee Puntland uu baaritaano hordhaca uu uu ku sameeyey Wasaaradda Waxbarashada Puntland, shaqadiina ka joojiyay masuuliyiin sar -sare oo ka tirsan wasaaradda, kuwaas oo uu ku jiro Agaasimaha Guud.

Intaa waxaa dheer, Hanti -dhowrka Guud ee Puntland wuxuu amar ku bixiyay in la xannibo 13 Akoono ka furaa bangiyada iyada oo ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadu.

Afar sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayuu si lamid ah shaqada ka joojiyey. Hanti -dhowrka guud ee Puntland ma uusan la wadaagin faahfaahin dheeraad ah saxaafada maadaama markii hore ee uu talaabooyinkaan qaadayey bartiisa Facebook ku shaaciyey amarada shaqo joojinta iyo xaniibadaha Akoonada.

Garowe Online ayaa fahansan in baaritaannadaan ay diiradda saarayaan mashaariicda deeq-bixiyeyaasha iyo lacagaha ay maamusho Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasaaradda Waxbarashada.

Wararka kale oo laga helayo illo wareedyo xog ogaal ah ayaa sidoo kale waxay intaas ku darayaan in baaritaanadii Hore ee horudhaca ahaa oo uu hantidhowrku sameeyey ay Wasaaradda Waxbarashadda ogolaatey balse Wasaaradda Qorsheyntu kasoo horjeesatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM