Puntland: Xildhibaan Cali Dhahar ku dhintay shil gaari

Image

GAROWE, Puntland – Mudane ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey shil gaari uu ka dhacay gobolka Sanaag, sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan ehelkiisa.

Marxuum Cali Axmed Salaad [Cali Dhahar] ayaa shilka ku galay tuuladda Midigale oo qiyaastii 40 KM u jira degmadda Badhan halkaasoo uu kusii jeeday si uu uga qeybgalo tacsidda hooyadiis dhimatay Raxma Ciise.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaadey goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinaya in gaariga uu saarnaa marxuumka uu rogmaday. Balse, ma jirto cid fahfaahin rasmi ah ka bixin karta qaabka uu ku yimid shilkaas gaari.

"Xildhibaanka waxaa kalkii hore shilka kasoo gaarey dhaawac daran. Balse, saacado yar kadib wuxuu u geeriyooday dhaawacaas. Illaahey u naxariisto," ayuu yiri qof kamid ah ehelkiisa oo ay soo xigatay warbaahinta.

Mas'uuliyiin, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ka tacsiyeeyay geeridda sharci-dejiyaha, waxaana ay EBBE u waydiiyeen naxariistiisa Janatul Firdoaza.

Guddoonka baarlamaanka Puntland oo qoraal kasoo saarey geerida Xildhibaanka ayaa yiri: "Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril Cawl ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Alle ha’u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray shil Baabuur oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Ceeldaahir illaa Badhan".

Marxuum Cali Dhahar ayaa muddo dheer wuxuu ahaa Xogahaynta Golaha Wakiilada ee dowladda Puntland, isaga oo sanadka markii uu ahaa 2019 ka mid noqdey Baarlamaanka markii laga soo doortey degmadda Badhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM